Gudoomiye Mursal oo Cabsi Awgeed uga guuray Guri ku yaala Muqdisho

Gudoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka waqtigiisa uu dhammaaday Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa lagu soo waramayaa in uu ka guuray guri uu ka degana xaafad u dhow Madaxtooyada

Gudoomiye Mursal oo siyaasada isku Fikir ay yihiin Madaxweyne Farmaajo Waxaana  wararku ay sheegayan in sababo Amni uu uga guuray Gurigaasi isaga oo degay guri kale oo ku yaala Gudaha Madaxtooyada Soomaaliya una dhow Xarunta Villa Hargeysa

Gudoomiyaha Golaha shacabka Maxamed mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa wararku ay sheegayaan in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo isku aragti ka ah xaalada siyaasadeed ee Dalka iyo sidii doorasho ay  uga dhici lahayd dalka balse caqabado ay kala kulmayaan mucaaradka

Si kastaba ha , ahaatee lama oga ujeedda dhabta ee Gudoomiyaha Golaha shacabka uu u degay Guri ku yaala Gudaha madaxtooyda inkastoo maalmahaan muqdisho ay ka jirto Xiisado siyaasadeed ee u dhexe Musharixiinta Mucaaradka ah iyo Madaxweyne Farmaajo.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com

.