Gudoomiye Mursal oo beeniyay in RW Rooble xil ka qaadis lagu sameynaayo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beeniyay wararka sheegaya in baarlamaanku qorsheynayo xilka qaadis uu ku sameeyo Ra’iisul Wasaare Rooble.

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa lagu sheegay in kulanka Sabtida ee baarlamaanka uu yahay mid madaxweyne Farmaajo ku codsanayo dib looga noqdo heshiiskii 17 September 2020.

Sidoo kale war-saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Muqdisho la baahiyay warar looga been abuuranayo Baarlamaaanka oo sheegaya in xilka qaadis lagu sameynayo Ra’iisul Wasaare Rooble.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com