Wararka ka imanaya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaas xalay lagu dilay Nin Guddoomiye ka ahaa xaafad ka mid ah kuwa Gaalkacyo. W Bartamaha Magaalada Galkacayo lagu dilay Cabbdiraxmaan Nuur (Gees diir) oo ka mid ahaa Nabadoonada Gobalka Mudug Sidoo kalana ahaa Gudoomiyaha xaafada Laanta Shanaad Ee Garsoor ee degmada Galkacyo. Dilka kaddib waxaa goobtii ka cararay kooxda weerarka geysatay waxaana meesha tagay Ciidamada Puntland halkaas oo ay baaris ka sameeyeen.
ARAGTIYo
Dhageyso : Gudoomiyaha Jilaayaasha Siyaasada Qurbajoogta Soomaaliyeed Ee Yurub oo sharci darro ku tilmaamay Heshiiskii Adis Abaaba
Guddomiyaha Jilaayaasha Siyaasada Qurbajoogta Soomaaliyeed Ee Yurub, Mudane Mataan Cali Xassan ayaa War saxaafadeed uu soo saaray ka horyimid kulankii Magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya ku dhex maray Madaxweyne Xasan...