Gudoomiye ku xigeenada 1-aad iyo labaad oo lagu dhawaaqay.

Waxaa goordhaw soo idlaaday doorashada Gudoomiye ku xigeenada Koowaad iyo labaad ee baarlamaanka Galmudug.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ayaa loo doortay C/llaahi Xirsi Maxamed halka ku xigeenka labaad ku soo baxday Haweeneyda kaliya ee xilkaas u tartameysay oo lagu magacaabo Faadumo Abdi Ali.

Faadumo ayaa ku guuleysatay codad gaaraya 47 cod.

Waxaana dhawaan la filayaa in ay dhacdo doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com