Gudoomiye Jawaari oo ka hadlay waxa loogu yeeri karo Madaxweyne Muddo xileedkiisu dhammaatay

Gudoomiyahii hore Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo loogu yeero ku-sime ama sii-haye.

Gudoomiye Jawaari oo ka qeyb galayay dood laga sii dayay warbaahinta ayaa la weydiiyay su’aal ahayd , madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaado waxa loogu yeeri karo, wuxuuna sheegay inuu yahay Ku-sime, sidoo kalana awoodaha uu leeyahay ay noqonayaan kuwa aan sidii hore u awood badneyn.

“Madaxweyne waa madaxweyne, wakhtigiisa afarta sano wuxuu ahaa madaxweyne, balse hadda wuxuu noqonaa sii haye, laakiin lama sheeg sheego, waxaa xadidmaaya hawlaha uu qaban karo, tusaale: heshiisyo caalami ah ma gali karo, waxyaalo waaweyn ma sameyn karo laakiin waa Madaxweyne  ayuu yiri Mudane Jawaari.

“Hadda waa ku sime, waana sii haye, labadaba waad dhihi kartaa, laakiin madaxweyne inaad tiraahdo ayaa la qaatay, asagana ha fahmo adna faham inuu xadidan yahay.” Ayuu hadalkiisa ku daray Gudoomiyhii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Maxamed sheikh Cusman Jawaari.

Hadalkaan ka soo baxay Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaliya Maxamed sheikh Cusmaan jawaari ayaa ku soo aadaya xilli muddo xileedkii dastuuriga ahayd ay ka dhammaatay Madaxweyne Farmaajo  sidaas darteedna uu ugu  in ay ugu yeeran Kusime Madaxweyne ama sii haaye.

 Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com