Gudoomiye Cusub oo loo magacaabay Degmada Wadajir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa xilka ka qaaday  guddoomiyaha degmada Wadajir, Cabdiraxmaan Maxamed Cali.

 

Wareegto ka soo baxday xafiiska Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho ayaa xilka  looga qaaday Cabdiraxmaan Maxamed Cali., iyadoona guddoomiyaha cusub ee degmada Wadajir ee loo  magacaabay, Bashiir Maxamed waxana la sheegay in  walaalo yihiin mas’uulka xilka laga qaaday.

Sababta xilka looga qaaday guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cali. ayaa waxaa lagu sheegay inuu wax ka qaban waayey dhibaatooyinka ka jira degmada Wadajir

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com