Gudoomiye Cumar Finish ooXilalkii u kala bedelay Qaar ka Tirsan Gudoomiyayaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed Cumar Finish) ayaa Maaanta wareegto uu soo saaray is badal ku sameeyay qaar kamid ah Guuddoomiyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir.

Wareegtada ka soo baxday Xafiiska Cumar Finish, waxaa Guddoomiyihii hore ee Degmada Xamar Jajab Guhaad Sheekh Xasan, loogu magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Dharkaynleey.

Xoghayihii hore ee Degmada Dharkaynleey Maxamed Suudi, ayaa isna loo magacaabay Guddoomiyaha cusub ee Degmada Xamar Jajab.

sidoo kale, Guddoomiyaha cusub ee Degmada Shibis, ayaa loo magacaabay Cali Axmed Cabdulle ka dib markii Xilka laga qaaday Gudoomiyhii degmadaasi oo musuq maasuq lagu Eedeeyay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Finish ayaa ku amray Guddoomiyaasha la magacaabay in ay sida ugu dhaqsaha ugu kala wareegaan xilalkooda.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com