Gudoomiye Cumar Finish oo kormeeray Goobaha Biyo Fariisinka Gobalka Banaadir

 

iyadoo lagu guda jiro xili roobaadka Guga  ayaa dowlada Hoose ee Xamar wax ay wadaa da’daallo lagu xoojinayo dib-u-habeynta goobaha biya mareenka ah ama bulaacadaha ee wadooyinka Caasimadda si aysan hakad u galin isku socodka gaadiidka iyo dad weynaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa howla kormeer ah ku sameeyay waraha loogu talagalay in lagu keediyo ama lagu xakameeyo daadka roobka.

Goobaha uu kormeeray guddoomiye Cumar Filish waxaa kamid ah Degmada Boondheere, Degmada Heliwaa, Qashin weynaha Muqdisho, Degmada Warta Nabadda iyo waddada Daaru-Salaama ee kala qeybisa degmooyinka Deyniile iyo Yaaqshiid.

Duqa magaalada Muqdisho ayaa inta uu kormeerkani kujiray waxa uu kula dardaarmayay maamulada degmooyinka iyo shacabka in ay muujiyaan kaalintooda ku aadan u diyaar garowga xili roobaadka iyo sidoo kale in la xoojiyo ilaalinta nadaafadda iyo bilicda Caasimadda.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho  Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kormeerka kaddib waxa uu xarunta Degmada Heliwaa kulan kula qaatay Guddoomiyaha Degmada Cabdixakiin Cumar Cabdulle iyo mas’uuliyiinta kale ee degmada, kuwaasi oo uu ku bogaadiyay dib u habeeynta ay ku sameeyeen xarunta, waxaana uu kula dar daarmay inay xoojiyaan Nadaafadda iyo u diyaar garowga xilli roobaadka.

Xafiiska Wararka,muqdisho.

Info@aragticusub.com