Gudoomiye Cabdi Xaashi oo Taageeray go’aanka Puntland ee shirka 15 bishaan Febraayo loo ballamay

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdillaahi, ayaa soo dhoweeyay qabashada Shir ku saabsan Arrimaha Doorashada Soomaaliya

Mudane Cabdi Xaashi, ayaa taageeray mowqifka Puntland ee la xiriira in Shirkaas lagu qabto magaalada Muqdisho, islamarkaana ay ka qayb-galaan Saamileyda Siyaasadda iyo Beesha Caalamka.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhinaca kale ku baaqay in la ilaaliyo Nabadda iyo Xasiloonida dalka lagana fogaado wax kasta oo qdhibaato  u keeni kara  xasiloonida dalka.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com