Gudoomiye Cabdi Xaashi oo lagu qanciyay in uu ka qayb galo xaflada ka socota Xerada Afasiyooni

Warar dheerad ah ayaa kasoo baxaya Shir ay yeesheen guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullahi iyo Midowga Musharraxiinta oo lagu qabtay magaalada Mqudisho.
Shirka oo ka dhacay guriga Cabdi Xaashi ayaa waxaa looga dooday sidii looga qancin lahaa Gudoomiye CabdiXaashi tabashada uu ka qabo doorashooyinka, ugana qeyb-geli lahaaGunanadka shirka wada-tashiga ee maalmihii lasoo dhaafay ka socday Xerada Afisyooni.
Warar ayaa sheegayain Midowga Musharraxiinta oo ay horkacayeen madaxweynayaashii hore ee dalka ay ugu dambeyn ku qanciyeen guddoomiyaha Aqalka Sare inuu qeyb ka noqdo munaasabadda lagu saxiixayo heshiiska doorashooyinka 2021.
Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh iyo Sheekh Sharafiif Sheekh Axmed, Ra’iisul wasaarihii ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre, Musharrax madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed, Musharrax Shariif Xasan Sheekh Aadan, xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb galay shirka ka dhacay Hoyga uu Muqdisho ka degan yahay Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi.
Tabashooyinka ka soo yeeray Gudoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa lagu xalin doona sida la shegay kulan gaar ah oo uu la yeelan doono Ra’iisal Wasaare Rooble balse lagu qanciyay in uu shirka ka ayb galo
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com