Gudoomiye Cabdi Xaashi oo ka hadlay Mowqifkiisa shirka Baydhabo

Guddoomiyaha Aqalka sare Baarlaamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo Warsaxaafadeed ka  soo saaray shirka Gudoiga Farsamada uga socda Baydhabo  ayaa ka hadlay Marxalada siyaasadeed ee dalka, iyo muranka weli ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa ugu baaqay madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada, in loo madax baneeyo isaga soo xulida  xildhibaanada gobollada waqooyi oo ka mid ah qodobada arinta khilaafka dhalisay

Sidoo kale Guddoomiyaha aqalka sare ayaa tilmaamay in aan lagu tix-gelin shirarkii ka dhacay Dhuusamareeb iyo Muqdisho ee looga hadlayey doorashooyinka dalka.

Waxa uu caddeeyay  in aan heshiis rasmi ah laga gaarin  arrinta gobollada waqooyi, kadib markii lagu shaaciyey war-murtiyeedkii kasoo baxay shirka guddiga farsamada ay ku yeesheen baydhaba

.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com