Dhageyso: Gudoomiyaha Xisbiga Samo oo ka Tacsiyadeeyay geerida Prof Gaandi

Xisbiga  Sinaanta  Amaanka iyo midnimo u ololeynta ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Parfesor Gaandi

Allaha u naxariistee ayaa Wadanka  Faransiiska ku geeriyooday Prof. Maxamed Cabdi Gaandi oo ka tirsanaa Golaha Shacabka iyo xubin ka tirsan Midowga Musharaxiinta.

Gudoomiyaha Xisbiga Sinaanta Amaanka iyo Midnimo u ololeynta ee loo sp Gaabio (Samo) Ugaas  Aweys Sheekh Xuseen Hunero ayaa Tacsi u diray Dhammaan Ehelada Asxaabta Qaraabada iyo Siyaasiyiintii uu ka baxay Alle ha u naxariiste Prof Maxamed Cabdi Gaandi oo ku geeriyooday Dalka Faransiiska.

Alllaha u naxariistaa Maxamed Cabdi Maxamed (Gaandhi) ayaa dhashay sanadkii 1949 wuxuuna xilal kala duwan ka soo qabtay dalka Soomaaliya, waxaa uu noqday safiirka Soomaaliya ee dalka Canada,Wasiirka Gaashaandhigga dowlada federalka.