Gudoomiyaha Maxkamadda Sare oo Amar la Xiriira Covid19 duldhigay Hay’addaha Garsoorka Dalka

Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Baashe Yuusuf Axmed ayaa soo saaray go’aano la xariira faafitaanka cudurka Covid-19 si loo ilaaliyo badqabka shaqaalaha Hey’adaha Garsoorka dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee adeega u doonta xarumaha garsoorka.

Gudoomiyaha ayaa faray Dhammaan howlwadeenada garsoorka, ciidamada amniga, qareenada iyo shacabka adeega caddaalada u soo doonta Hay’adaha garsoorka dalka ayaa la faray in ay xirtaan Af-saabka (Mask) ilaaliyaana kala fogaanshaha iyagoo isku jirsanaya ugu yaraan labo talaabo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com