Gudoomiyaha Hay’adda Maareeynta Musiibooyinka oo gaaray degmada Baardheere ee gobolka Gedo

Guddoomiyaha hay’adda maareynta musiiboyinka Qaranka Maxamuud Macalim Cabdulle ayaa maanta gaaray magaalada Baardheere ee gobolka Gedo oo maalin ka hor uu ku fatahay wabiga Jubba, kadib roob xooggan oo halkaas ka da’ay, taas oo ay ku geriyoodeen ilaa 9-ruux halka maalmo ka horeeyey daadad ka dhashay roob mahiigaan ah oo halkaas ka da’ay ay ku dhinteen 13-qof taas oo dhimashada ka dhigaysa 20 qof halka dadka dhawacyadaay ay ka soo gareen daadadka iyo fatahadaas ay marayaan ilaa 2-qof oo rayid ah.
Guddoomiye Maxamuud Macalin waxaa socdaalkan ku wehliyey wasiir ku xigeenka waxbarashada dowladda Federaalka Soomaaliya  Axmed Cismaan iyo Senetor Cadullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, waxaana hay’adda mareynta degmadaas geysay laba diyaarad oo wada shixnad gargaar iskugu jira raashin, dhar iyo Dawo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info @aragticusub.com