Gudoomiyaha gudiga doorashooyinka heer Federaal oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal  Maxamed Xasan Maxamed ayaa kulan la qaatay Safiirka  Turkiga ee Soomaaliya Mehmet Yilmaz.

Kulankaas ay yeesheen labadaan dhinac ayaa ahaa mid xog-isdhaafsi ah oo ku saabsan dardargelinta howlaha doorashada.

Dawlada Turkiga ayaa ka mid ah dawladaha taageera soomaaliya islamarkaana doonaya in ay gacan ka geystaan xal u helida khilaafka ka taagan hergelinta doorashooyinka

Soomaaliya ayaa galaysa xaalad doorasho inkastoo ay jiraan mucaarado xooggan oo ka imaanaya musharixiinta mucaaradka ah iyo siyaasiyiinta.

Xafiiska Wararka Muqdisho.
Info@aragticusub.com