Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Axmed Madoobe oo ku kulmay Muqdisho

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa kulan ku yeeshay Magaalada Muqdisho.

Kulanka oo ka dhacay hoyga Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan waxaa looga hadlay Arrimo  ku saabsan xaaladda Siyaasadeed ee dalku marayo iyo doorashada soo socota..

Madaxweynaha Jubaland ayaa kulamo gaar-gaar ah ka wada Magaalada Muqdisho waxaana uu horay ula kulmay Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble  iyo Xubno kale.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com