Gudoomiyaha Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta gaaray Magaalada Baydhabo

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta gaaray Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Guddoomiyaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud ku soo dhaweeyay guddoomiyaha golaha Wakiilada dowlad goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya mudane Cali Saciid Fiqi

Socdaalka uu gudoomiyaha Golaha shacbaka uu ku tagay magaalada baydhabo ayaa ku soo aadaysaa xili dhawaan doorashada Golaha shacbaka ya ka bilaabadn doonto Magaalada baydhabo.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com