Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo qaanilay Danjiraha Dawlada Qadar u Fadhiya Soomaaliya

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Cumar Filish ayaa  xafiiskiisa ku qaabiley Safiirka Qatar ee Soomaaliya.

 

Labada Mas’uul ayaa waxaa ay ka wada hadleen horumarinta mashaariicda dowladda Qatar ka wado Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Banaadir iyo sidii loo dar-dargelin lahaa mashaariicda kala duwan ee dowlada Qatar ka hirgelineyso caasimadda.

Kulanka waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah ku-xigeenada Guddoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana uu ku soo idlaaday jawi is afgarad ah.

 

Dawlada Qadar ayaa ka mid ah Dawladaha Taageerada Xooggan siiyaya Dawlada Federaalka Soomaaliya  waxaana Magaalada Muqdisho ay ka hergelisay dhawr Mashruuc oo ay ka Faa,ideeysteen Muwadhiniin Soomaaliyeed ee ku sugan Gudaha Dalka

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com