Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Ahna Duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo maanta booqday xarunta Wasaarada Caafimaadka ee XFS waxa uu kulan gaar ah la qaatay wasiirka wasaaradaasi Drs Fowsiyo Abiikar Nuur.
Kulankan ayaa ujeedkiisa waxa uu ahaa xoojinta wadashaqeynta ka dhaxeysa maamulka gobolka Banaadir iyo wasaarada Caafimaadka ee dowlada Soomaaliya iyo sidii la isaga kaashan lahaa fulinta mashaariic waxtar u leh adeegyada Caafimaadka la xariira, sidoo kale kulankan wax yaabihii looga hadlay waxaa qeyb ka ahaa dib-udhiska xarunta keydka Talaalka gobolka Banaadir oo aan muda Sanadaha helin wax dayactir ah.
Ugu danbeyn mas’uuliyiintan ayaa sidoo kale iska wareestay la tacaalida Xanuunka Hergabka cusub oo bulshada Caasimadda si weyn u saameeyay.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com