Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulan isla xisaabtin ah la qaatay Maamulada degmooyinka gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah oo isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka iyo deegnada gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar.
Kulankan oo uu goob joog ka ahaa guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir ayaa qodobada looga hadlay waxaa kamid ahaa sugida nabadgalyada, la dagaalanka isticmaalka maandooriyaasha, ka hortaga rabshadaha, dib u furista wadooyinka sida sharcidarada loo dhistay, Kor u qaadista Nadaafada iyo isku xirka degmooyinka,
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com