Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo baaq u jeediyay shacabka Ganacsatada iyo shacabka Magalada Muqdisho

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed  Cumar Finish ayaa  xadriga ka jaray Xarunta Degmada  Warta Nabada  Ex Wardhiigleey

Xaruntan ayaa ku burburtay qarax ismiidaamin ah oo ay dhowr bilood ka hor ay la beegsadeen alshabaab kaasoo sidoo kale geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Cumar Finish oo hadal ka jeediyey munaasabada xadhiga looga Jaray xaruntan ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir uu u taagan yahay wax ka qabashada iyo horumarinta goobaha muhiimka ah ee bulshada loogu adeegayo.

Hadii aynu Hay’addo Shisheeye wax ka sugi lahayn, waxaa xaqiiq ah inay maanta Xarunta degmadu ahaan lahayd mid Baaqi ku ah Burburkii,  Balse  waxaan is barnay Gacanteena iyo jeebkeena, waxaana Go’aansanay inaan inagu dhisano.” Ayuu yirii Cumar Finish

Gudoomiye Cumar Finish ayaa ka hadlay dib u dhiska magaalada muqdisho waxana uu ugu baaqay shacabka muqdisho iyo ganacsatadaba in ay ka qayb qaatan dib u dhiska xaruumihii ku bur burayqaraxyadii ka dhacay Magaalada Muqdisho

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com