Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntlnad oo ka tacsiyadeyay geerida Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar)

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf  Jibriil Cawl, ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo ka mid ahaa Xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland oo u geeriyooday dhaawac kasoo gaaray shil baabuur oo ka dhacay waddada u dhaxaysa Ceeldaahir iyo Badhan.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Puntland Cabdirashiid Yuusuf  Jibriil Cawl, ayaa sheegay in uu uga tacsiyadeeynaayo dhamaan ehelada Asxaabta qaraabada iyo xubnaha baarlamaanka Puntland Geeridii naxdinta lahayd e ku timid Alle ha u naxariiste Xildhibaan Cali Axmed Saalax (Cali Dhahar) oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray shil gaari.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com