Gudoomiyaha baarlamaanka Koonfur Galbeed oo xilka lagu wareejiyay

Munaasabad Kooban oo xil wareejin ah ayaa ka dhacdey Xarunta Baarlamanka Koonfur galbeed halkaasi oo Xilka Gudoomiyaha loogu wareejinaayay Gudoomiyaha Cusub ee Baarlamanka koonfur Galbeed Dr. Ali siciid Fiqi.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka ahna Wasiiiru Dowlaha wasaradda Ganacsiga Dowladda Soomaaliya Mudane Abdikadir Sharif Sheekhuna Maye  ayaa xilka ku wareejiyay Gudoomiyaha cusub.

Munaasabadda Xil wareejinta ayaa waxaa Goobjoog ka ahaa labada gudoomiye kuxigeen ee Baarlamanka koonfur galbeed iyo Xildhibaano ka tirsan Baarlamanka .

Dr Ali siciid Fiqi Gudoomiyaha Baarlamanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa ka mahadceliyay sida wanagaasan ee xilka Loogu wareejiyay.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com