Gudoomiyaha Aqalka Sare uu Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa kulan la yeeshay Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi  oo ay weheliyaan labada Guddoomiye ku-xigeen ee Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed Bukhaari iyo Mowliid Xuseen Guhaad.

Kulanka oo ka dhacay hoyga guddoomiyaha Aqalka Sare ee ka degan yahay MMuqdisho sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland oo looga hadlay guud ahaan Marxalada uu dalku marayo.

Guddoonka Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa ku bogaadiyey madaxweynaha Puntland doorka muhiimka ah ee uu ka qaatay arrimaha samata bixinta dalka Soomaaliya.

Madaxda Dowlad Goboleedyada ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay Muqdisho ka waday kulamo siyaasadeed oo ay la yeelanayeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda federaalka.

Xafiiska Wararka,Muqdisho.

Info@aragticusub.com