Gudoomiyaha Aqalka sare oo sheegay in uusan Jirin shir deg deg ah oo Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ka codsaday Madaxweyne Farmaajo

Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa ogeysiiyay Xildhibaanada Aqalka sare in uusan jirin codsi uga yimid Madaxweyne Farmaajo ee ah in ay ka soo qayb galaan kulan uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya

War Qoraal ah oo  ka soo baxay Gudoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu yiri “dhammaan Senatarada Golaha Aqalka Sare ee BFS waxaa lagu wargelinayaa in uusan jirin kulan wadajir ah oo Madaxweynuhu ka codsaday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare si waafaqsan Qod.57aad (c) ee Dastuurka KMG ah iyo Qod.59 aad (4) ee Xeerhoosaadka Golaha. Sidaas darteed, ma jiro kulan wadajir ah oo ay xubnaha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u ballansan yihiin berito  sabri ah  oo taariikhduna tahay 06 Febraayo 2021”.

Xubno ka Tirsan Golaha Shacabka baarlamaanka Soomaaliya maanta sheegay in ay berri   ay leeyihiin kulan gaar ah oo madaxweyne Farmaajo soo codsaday.

Warkan qoraalka ah ee ka soo baxay Gudoomiyaha Aqalka sare ayaa ku soo aadaya Xilii Madaxweyne Farmaajo la sheegay in kulan deg deg ah uu isugu  yeeray Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya balse kulan uu dib u dhacay ka dib markii Beesha Caalamka ay ku wargelisay Madaxweyne Farmaajo in uusan ka soo tagi karin Dhuusamareeb iyadoo aan xal laga gaarin khilaafka ka Taagan doorashada

 Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com