Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ka digay in la baalmaro Dastuurka KMG ah

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa uga digay hay’adaha dowladda iyo cid kasta oo soo xiganaysa nidaamka sharci-dejinta dalka, hadallada ama qoraallada ka hor imanaya Dastuurka Dalka.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa qoraal uu soo saaray ku faahfaahiyay hab-raaca dastuuriga ah ee xeer-dejinta dalka kaas oo qeexaya awoodda labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya “Awoodda xeer-dejinta Dalka waxaa iska leh labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, hal Aqal kaligiina iskuma koobi karo, mana ku shaqeyn karo awoodda Baarlamaanka sida ku cad Qod.55aad ee Dastuurka KMG ah oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu ka kooban yahay labo gole oo kala ah Golaha Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka” ayuu qoraalka ku yiri Cabdi Xaashi.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in muddo kordhinta ay ansixiyeen Golaha Shacabka ay baalmarsan tahay Dastuurka KMG ee Dalka, wax sharciyad ahna aan laheyn Dalkana u horseeday xasilooni darro iyo qalqal amni oo uu sheegay in uu horey uga digay.

Hadalka ka soo baxay Gudoomiyaha |Aqalka sare ayaa ku soo aadaya ka dib markii baarlamaanka Soomaaliya ee waqtiga uu ka dhammaaday uu muddo kordhin u sameeyay Madaxweyne Farmaajo iyo Hay’adaha kale ee Dawlada .

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com