Gudoomiyaha Aqalka oo loo diiday in uu ka qayb galo shirka ka socda Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa sheegay Madaxweyne Farmaajo in uusan aqoonsanayn Aqalka Sare iyo nidaamka Federaalka.

Mudane Cabdi Xaashi Gudoomiyaha Aqalka sare iyo xildhibaano kale oo ka soo jeeda gobolllada Waqooyi oo shir saxaafadeed  ku qabtay Muqdisho ayaa ku Eedeeyay in Madaxweyne Farmaajo aqoonsanayn nidaamka Federaalka iyo in uusan fahamsanayn in Somaliland maqan tahay, taasina ay tahay meesha ay ka jirto dhibaatada siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Waxaan ka xumahay mudada uu jiray Aqalka Sare in madaxweynaha  uusan aqoonsanin, tixgelinin waajibaadka dastuurka siiyay Aqalka Sare, khilaaf kasta iyo wadahadal kasta oo dhexmara Dowladda Ehexe iyo Dowlad Goboleedyada, Aqalka Sare ayay tahay in uu dhexdhexaadiyo” ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Hadalka Gudoomiye Cabdi Xaashi ayaa imaanaya ka dib markii Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed cabdi kaariye Qoor Qoor uu ku war geliyay Gudoomiyaha Aqalka sare in aan lagu casuumin shirka Dhuusamareeb sidaas darteedna uusan ka mid noqon Karin  xubnaha ka qayb galya shirka ka Furmay Dhuusamareeb

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com