Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiiboyinka Qaranka Soomaaliyeed ee[ SoDMA] Ayaa Maanta Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan kula kulmay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jayte Cismaan xilli Magaladaas ay ka jirto xaalad adag kadib fatahad uu halkaas ka sameeyey wabiga Shabeelle.
Labada Guddoomiye ayaa kawada hadlay xaalada Magaalada,sida dadka ku barakacay fatahaadaas gargaar loo gaarsiin karo,Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa ku mashquulsanaa maalmihii u danbeeyey daad gureynta dad rayid ah oo xaafadaha qaar ku go’doomay.
Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com