Gudigii doorashoyinka Heer Federaal iyo Heer Dawlad goboleed oo la kala diray

Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa xalay kulan afur ah la yeeshay  Madaxda Guddigii lagu muransanaa ee doorashooyinka heer Federaal iyo heer dawlad Goboleed.

Guddigan oo ay markii hore magacowday Xukuumadda waqtigeeda uu dhammaaday  ayaa waxaa muddo 6 bilood ka taagnaa khilaaf xoogan, kuwaasi oo aan wax shaqo qaban tan iyo markii la dhisay, iyadoona ugu dambeyn xalay kala diray.

Xubnaha Guddiga ayaa  la dejiyay hodheelo ku yaalla Magaalada Muqdisho oo lagu siinayay Tababaro  la xiriira  doorashooyinka, isla markaana soo saaray War-saxaafadeedyo kala duwan oo ay uga hadlayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo baaqyo ku socda Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda xilgaarsiinta Mahdi Guuleed ayaa guddiyada Doorashooyinka heer federaal iyo heer dawlad goboleed uga mahad celiyay dedaalkii dheeraa ee ay muujiyeen muddadii 6-da bilood iyadoo ugu dambeynti gudgaasi la kala diray

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com