Warsaxaafadeed kasoo baxay Guddiga Xalinta Khilaafaadka ayaa lagu go’aamiyay in habraacii loo maray kursiga sumadiisu tahay HOP#067 uu ahaa mid sax ah.
Warka qoraalka ah oo 5 bog ka koobnaa islamarkaana ay aragtay warbaahinta Aragticusub ayaa lagu yiri “Guddiga Xalinta Khilaafaadka wuxuu is bar bar dhig & Xaqiijin uu ku sameeyey Liiska ergada soo dooratay Xildhibaan Yaasiin Fareey inay sax ahaayeen”
Go’aankani maanta soo baxay ayaa sharci ka dhigaya doorashadii dhuuso mareeb ka dhacday 25-kii November labaatan cisho ka hor oo gaashaanle sare Yaasiin C/llaahi Fareey Xildhibaan loogu doortay,balse 28-kii November ayaa lagu hakiyey war kasoo baxay Guddiga xalinta khilaafaadka taas oo ugu dambeyn ay go’aan ka gaareen maanta.
Hore sidaan oo kale Guddiga Xalinta Khilaafaadka Soomaaliya ayaa hakin ay ku sameeyeen natiijada kursigii Mahdi Guuleed Khadar ayey hadana sharci ka dhigeen xildhibaanimadii loo doortay R/wasaare Kuxigeenka Soomaaliya.
Xafiiska wararka Muqdisho
Info@aragticusub.com