Gudiga lagu murunsanyahay ee doorashooyinka oo wax laga Xumaado ku Tilmaamay Isfaham darrida shirkii Dhuusamareeb

Guddiga lagu muransanyahay ee Doorashooyinka Heer Federaal ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay is Faham darri uu ku soo dhamaaday shirkii Dhuusamareeb ,  balse waxa ay muujiyeen  in ay jirto rajo wanaagsan oo lagu xallin karokhilaafka Taagan .

Guddiga ugu baaqay Madaxda shirkii Dhuusamareeb  in aysan quusan, una istaagaan masuuliyadda ka saaran dalka, ayna hirgeliyaan heshiiskii doorasho ee 17 Sebteembar 2020, heshiiskaas oo baarlamaankuna ku meel mariyey hindise sharciyeed qeexaya sida lagu soo dooranayo xubnaha Barlamaanka 11-aad ee dowladda  Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale, wuxuu xasuusinayaa hogaamiyayaasha in mas’uuliyadda qabsoomidda doorashooyinku ay si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran iyo si ay u gaaraan xal degdeg ah, lagama maarmaanna ay tahay in ay ka shaqeeyaan isu keenidda iyo maslaxada guud ee wadanka.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com