Gudiga lagu Muransan yahay ee doorshooyinka Heer Federaal oo baaq u diray dawlada Federaalka iyo D/goboleedyada

Guddig lagu muransan yahay ee Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal oo saaray War saxaafadeed ayaa ugu baaqay golaha wadatashiga qaran in si deg deg ah u kulmaan si loo xaliyo tabashooyinka ka soo laabtay heshiiskii 17 September 2020.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in guddigu soo dhaweynayo isfahamkii dhowaan wada gaareen xukuumadda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta, waxayna ku baaqeen in la sii wado wadahadaladda si loo qabto doorasho xor iyo xalaal ah.

Guddiga ayaa sheegay in  marxaladda xasaasiga ah looga gudbi karo ah tahay qabashada doorasho loo dhan yahay, taas oo ay sheegeen in ay diyaar u yihiin qabashadeeda.

 

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com