Gudiga doorashooyinka Puntland oo ku dhaaqaya Markii ugu horreysay Kuraasta Golaha shacabka ee laga soo dooranayo Puntland

Guddiga doorashooyinka Puntland ayaa lagu wadaa in ay shaaciyaan kuraastaGolaha shacabka  Baarlamanka ee laga soo doorto Puntland.

Madaxweynaha Puntland  Siciid Deni iyo xubnaha guddiga doorashada Puntland  ayaa shalay kulan gaar ah ku yeeshay xarunta madaxtooyada Garoowe sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan xafiiska madaxweynaha.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimaha ku saabsan doorashada xubnaha golaha shacabka ee ka imaanaya Puntland.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Siciid Deni iyo guddigu isla garteen in hal mar la sii daayo kuraasta ugu muhiimsan doorashada

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com