Gudiga doorashooyinka oo diiwaan geliyay xisbiyo siyaasadeed

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka waxay maanta diiwaan geliyeen 8 Xisbi Siyaasadeed oo qeyb ka noqon doona Xisbiyadii ay Guddiga horey u diiwaan geliyeen.

Nidaamka Maqalka iyo Muuqaalka ayaana lagu diiwaan geliyey Xisbiyadaasi, iyadoo si Online lagu siinayo Shahaadooyinka Xisbiyadda la diiwaan geliyey.

Xisbiyadda Siyasadeed ee maanta helay Shahaadooyinka diiwaan-gelintooda ayaa kala ah:

  1. Xisbiga Bulshada Dimoqaardiga Soomaaliyeed.
  2. Xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda.
  3. Xisbiga Walaalaha Midoobay.
  4. Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabadda.
  5. Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka.
  6. Xisbiga Soomalinimo.
  7. Xisbiga Cadaaladda Horumarinta Dimoqaraadiyadda iyo Isqadarinta.
  8. Xisbiga Badbaado Qaran.

Si kastaba ha ahaatee, Diiwaan-gelinta 8-da Xisbi waxay ka dhigaysaa Tirada Guud ee ay Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka diiwaan geliyeen 71-Xisbi Siyaasadeed, kuwaasi oo ay ku jiraan Xisbiyo Isbahaysi  Mataanayaal ah iyo kuwo u muuqda in Boos buuxis oo keliya loo diiwaan gashaday.