Gudiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi oo shaaciyay jadwalka doorashada 12 musharax

Guddiga doorashada gobolada waqooyi ayaa maanta sheegay toddobaadkan la qaban doono doorashada 9 kursi oo kamid xildhibaanada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda gobolada Waqooyi ee loo yaqaano Somaliland.
Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Guddoonka guddiga doorashada Somaliland Sagaalka Kursi ayaa waxay sumadoodu tahay Hop#214,Hop#218,Hop#226,
Hop#223,Hop#208,Hop#210,Hop#272,Hop#202 iyo Hop#225.
“Waxaan guddiga doorashooyinka (FEIT) ku wargelinaynaa liiska kuraasta baarlamaanka gollaha shacabka ee aan ugu tala-galnay toddobaadkan in aan doorashadooda qabanno, kuwaasi oo tirsigoodu hoos ku xusan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Guddiga doorashooyinka Somaliland.
Guddiga ayaa sidoo kale faray in madax dhaqameedka qabaa’iilka kuraastaas iska leh ay xarunta guddiga ay soo xaadiraan berri oo taariikhdu tahay 15-ka November 2021-ka, si loo siiyo tababarada doorashada, ayna u soo xulaan ergooyinka codbixinta.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com