Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheikh Adan Mohamed Nur Madobe ayaa maanta shir guddoomiyay kalfadhiga seddaxaad kulankiisa 7-aad oo ajandihiisu ahaa dhaarinta xubnaha cusub ee Golaha Wasiiradda, hadal jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo qeybinta ajandayaasha guud ee Golaha Shacabka.
Kulanka waxaa goob joog ahaa Guddoomiye ku-xigeenada Golaha, Guddoomiyaha oo hadal ka jeediyay kulanka ayaa dul istaagay sidii xildhibaannada ay ugu hoggaansami lahaayeen Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, isagoona sheegay in la ilaaliyo anshaxa xildhibaanka uu leeyahay. Guddoomiyaha ayaa xusay in kalfadhiyadii 1-aad iyo 2-aad la qaaday talaabo aad u wanagsan, taas oo muhiim u ah hanaanka geedi socodka dowladnimadda dalka, waxaana uu Guddoomiyuhu dhanka kale xildhibaannada ka codsaday in kalfadhigan aad loogu doodi doono dib u eegista Dastuurka Federaalka Soomaaliya kaas oo muhiimad gaar ah siinaya ku dhaqanka iyo fahanka dowladnimada dalka.
DHAMMAAD





Xafiiska Wararka Muqdisho
Info @aragticusub.com