Guddoomiye Dhabancad Oo Ciidanka Amniga Ka Dalbaday Inay Xildhibaanada U Furaan Jidadka

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa ku boorriyay Xildhibaannada Golaha Shacabka inay tegaan Teendhada Afisyooni oo Maanta ay ka dhaceyso doorashada Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Federaalka.

Guddoomiye Cabdisalaan Xaaji Axmed Dhabancad oo la hadlay warbaahinta ayaa Ciidanka amniga dowladda ka dalbaday inay Xildhibaanada u furaan waddooyinka oo la sheegay Ciidamada ka xireen Xildhibaanada doonayey inay galaan Afisyooni.

Wuxuu sheegay Guddoomiye Dhabancad inay ku sugan yihiin howlka loogu tala-galay in lagu qabto doorashada Guddoonka Golaha Shacabka, isla markaana Xildhibaanada looga baahan yahay inay soo gaaraan Teendhada, si loo qabto doorashada Guddoonka Golaha.

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Golaha Shacabka ayaa caddeeyay in Maanta ay dhaceyso doorashada Guddoomiyaha Golaha iyo labadiisa ku-xigeen, uuna socdo diyaar garoow.

Dhinaca kale Xaalad Cakiran ayaa laga soo werinayaa Albaabka hore ee laga galo Xarunta Teendhada Afisyooni ee Xeyndaanka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xiray Waddooyinka laga galo Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gaar ahaan aaga ku dhow Teendhada Afisyooni, kuwaasi oo diidan in Xildhibaanada ay gaaraan Afisyooni.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com