Waxaan Marka hore ugu hambalyeynayaa dhammaan Ummadda Soomaaliyeed munaasabadaan qiimaha iyo qaayaha badan ee 1-da Luulyo, si gaar ahaaneed Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Bergen iyo guud ahaan gobolka Hordaland, waxaa leeyahay farxad ku ciida 62-sano kadib munaasabada 1-da Luulyo Xoriyadda Soomaaliya.
Ummad waliba waxay leedahay taariikh ay ku faanto iyo munaasabado ku dheer oo lama ilaabaan ah, kuwaasoo la xuso lagana sheekeeyo halgamaddii la soo maray.
Xuska sanadkaan oo ah midkii 62-aad waa mid si guud ugu weyn taariikhda Soomaaliya iyo quluubta dadka, sanadkii 1960-kii waa markii ugu horaysay ee xornimo rasmi ah iyo maamul dowladnimo oo madax bannaan ay qaataan gobolada Koonfureed, isla markaana calanka Soomaaliya oo madax bannaan kana hoos baxay gumeystihii laga taago magaalada Muqdisho, marka laga reebo gobolada waqooyi galbeed oo 26-kii Juun ku horeeyay calanka.
1-da Luulyo waa maalintii hanka Soomaaliyeed kor u kacay oo lagu hamiyay loona hawlgalay in la haleelo qaran Soomaaliyeed oo dhameestiran, waa maalintii aan ku heesnay “Qolobaa calankeedu waa caynoo innaga keennu waa cirkoo kaloo aan caadna laheyn”.
1-dii Luulyo 1960-kii waa maalintii gobolada koonfur ee Soomaaliya ay ka xuroobeen gumeysigii Talyaaniga, isla markaana ay la midoobeen gobolada waqooyi, halkaasna ay ku curatey Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo 26-ka Juun oo iyana ahayd maalin taariikh iyo xusuus dheer mudan, 26-ka Juun waa maalintii ugu horeysey ee ciida amase gayiga Soomaaliya laga taago calanka quruxda badan ee uu alifey, alifihii caanka ahaa ee Maxamed Cawaale Liibaan EEBE naxariistii jano ha ka waraabiyee.
Haddaba Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed-ba waxaan leenahay waxaa ina wada saaran masuuliyad sidii aan kusoo ceshan lahayn dadnimadii lagu yaqiinay Soomaalida.
Dalkeena maanta wuxuu u baahan yahay in aan hormarkiisa ka wada shaqeyno ma ahan in aan cid kale ama dowladdo kale wax ka sugno, dalkeenu waxa kaliya ee uu u baahan yahay waa dadkiisa ee uma baahna aqoon shisheeye, waxaana ka marqaati nahay dalwalba waxba uma taraan shisheeye ee dadkiisa ayaa horumar gaarsiiyo ee aan u wada midowno dalkeena iyo Jaaliyad ahaan halka aan ku nool-nahay.
Salaan kasocoto Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordland, Ayan Abdulle. Med vennlig hilsen Ayan Abdulle , styrets leder. Den Somaliske foreningen i Hordaland (Jaaliyadda Soomaaliyeed ee gobolka Hordaland).
W/Q:- Waiye Bile Mohamed Abdi Baasteey