Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir oo daahfuray shirka Banbaxa

Guddoomiyaha Gobobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daah-furay shirka Banbaxa Maamulka Gobolka Banaadir Iyo Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo socon doono mudda 3-Cisho ah.
Shirkaan ayaa waxaa ka qeybgalaya Guddoomiye Kuxigeenada Maamulka Gobolka Banaadir, Xoghayaha Guud, Taliska Ciidanka Illaainta Deegaanka Xamar, Agaasimeyaasha Guud, Guddoonka Degmooyinka & Deegaanada, Agaasime Waaxeedyada, La-taliyeyaasha iyo Guddiyada kala gedisan iyo dhamaan Hey’addaha hoos yimaada Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa kula dardaarmay madaxda shirkan ka qeyb-galeysa in si hufan oo Alla ka cabsi leh loogu adeego bulshada, islamarkana aan la aqbali doonin Musuq-maasuq iyo wax is-dabamarin.