Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo magacaabay Guddiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle Cabdixakiim Luqmaan Xaaji ayaa magacaabay guddiga Qabashada Doorashada Aqalka Sare ee dowlad goboleedka Hirshabelle.

Guddigan oo ka kooban 15 xubnood ayaa waxaa guddoomiye loogaga dhigey Feysal Axmedweli Xasan halka guddoomiye ku xigeenkiisuna uu yahay Maxamuud Axmed Gacal.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo ku sugan magaalada Muqdisho kana maqnaa xarunta dowlad goboleedka Hirshabelle muddo dheer ayaa magacaabay guddigan oo badankood ay ku sugan yihiin caasimada dalka ee Muqdisho.

Magaalo Madaxda Dowlad Goboleedka Hirshabelle ee Jowhar ayaa madaxda ugu sareysa maamulka Hirshabelle ka maqnaayeen bilihi la soo dhaafay iyadoo magaaladana ay wajahday fatahaado xoog leh oo saameyn ku yeeshay dadka.