Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa Magaalada Dhuusamareeb waxaa uu kulan kula qaatay Gudiga Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleed ee Galmudug.
Kulanka oo ahaa mid isxog-wareysi ah ayaa Xubnaha Guddiga waxaa ay Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug warbixin ka siiyeen halka ay u mareyso xaaladaha arrimaha doorashooyinka.
Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa dhankiisa kula dardaarmay in ay si hufan u gutaan waajibaadka ka saaran qabashada Doorasho hufan.