Guddomiyaha Barlamaanka Aadan Madoobe Oo Digniin U Diray Taliyeyaasha Ciidamada Dowladda

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Baarlamaanka 11-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan gaar ah isugu yeeray dhammaan Taliyeyaasha iyo Saraakiisha ugu sareysa Ciidamada Qalabka sida.

Kulanka Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa waxaa inta uu socday looga hadlay oo diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka gaar ahaan tan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa Saraakiisha uga digay inay ku milmin Arrimaha siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo Madaxweyne.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Taliyeyaasha Ciidamada Booliska Jeneraal Cabdi Maxamed Xijaar, Taliyaha Booliska Gobolka Farxaan Qaroole, Taliyihii Hay’adda NISA Xildhibaan  Yaasiin Farreey iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidanka Milateriga dowladda.

Maalmaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ka dhacdo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, waxaana kulanka uu Taliyeyaasha la qaatay Sheekh Aadan Madoobe uu yahay kulankii ugu horreeyay.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com