Guddiga xalinta khilaafaadka oo hakiyay natiijada kuraasta HOP211, HOP209 & HOP201

Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada Dadban ayaa Maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqay in la  hakiyo ku dhawaaqista natiijada rasmiga ah ee kuraasta Golaha Shacabka ee kala HOP211, HOP209 iyo HOP201.

Qoraal kasoo baxay Gudsiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ayaa waxaa lagu sheegay in kuraastaan ay dacwad kasoo gudbiyeen Suldaan Diiriye Geelle Cali iyo Kheyriye Maxamed Maxamuud.

” Haddaba Guddiga Xallinta Khilaafaaadka Doorashada Dadban (GXKHDD) ee 2020/2022 Asagoo Gudanaaya Waajibaadkiisa Shaqo ee loo igmaday wuxuu ku wargalinayaa Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF) in la hakiyo Ku dhawaaqista Natiijada Rasmiga ah ee kuraasta Lambaradoodu kala yihiin HOP#201, HOP#209 iyo HOPH211 laga bilaabo 27/01/2022 inta GXKHDD uu go’aan ka gaarayo dacwada laga soo gubdiyay kuraastaas GXKHDD wuxuu baaritaanka cadaymaha, dhagaysiga dhinacyada ay khusayso dacwadu, iyo go’aan ka gaarista dacwada ku dhamaystiri doonaa muddo todobo (7) maalmood gudahood ah oo ka bilaabanaysa 27/01/2022, waxayna go’aanka ugu gudbin doonaan soo dacwoodayaasha iyo dhamaan dhinacyada ay khuseyso muddo afar iyo labaatan saacadood (24) gudahood ah oo ka bilaabanaysa marka go’aanka la gaaro.

Ugu dambayn Guddiga ayaa ku wargaliyay Guddiga Hirgalinta Doorashooyinka ee Heer Federaal
(GHDHF) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Gobolada Waqooyi-Somaliland in ay si dhaw ula
shaqeeyaan xubnaha GXKHDD ee dacwadan gacanta ku haya si loo helo xog dhameystirsan oo lagu go’aan qaadan karo isla markaana dhawraan waqtiyada dhagaysiga dacwada ee lagu qeexay habraacyadii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka.

Kuraasta Guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ay hakiyeen ku dhawaaqista natiijadooda ayaa doorashadooda Maalin ka hor ka dhacday Magaalada Muqdisho, waxaana ku kala guuleystay HOP201 Cabdullaabi Xaashi Abiib, waxaana horay ugu fadhiyay Wasiirka Maaliyadda Beyle,  HOP209 Dr Maxamed Xuseen Haadi iyo HOP2011 oo markale loo doortay Caasha Koos Maxamuus Cumar.