Guddiga Doorashooyinka heer Fedraal ee “FEIT” oo dib u helay Barihiisii Internet-ka

Guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban heer Fedraal ee (FEIT) ayaa dib ula wareegay baraha intanet-ka kaddib markii uu gacantooda ka baxay.

Facebook, Website iyo Twitterka Guddiga FEIT ayaa gacantooda ka baxay kaddib markii xil ka qaadis xubnaha guddigaas uu ku sameeyay Guddoomiye Maxamed Xasan Cirro 25kii December 2021.

Cirro oo xilka hayay tan iyo july 2021 ayaa lagu soo oogay eedeymo kala duwan oo ugu dambeyn xubnihii xilkaas u doortay ay u codeeyeen in ay kalsoonida kala laabtaan.

Xubnaha Guddiga FEIT ee xil ka qaadista sameeyay ayaa Warbaahinta u sheegay in lagala wareegay Baraha Bulshada iyo website-ka Guddigu uu kusoo gudbiyo howlihiisa iyada oo laga tuuray shaqsiyaadkii Wax kusoo qori jiray.

Kullamada FEIT lama soo gelin tan iyo xil ka qaadistii Cirro balse shalay oo gacantooda uu kusoo laabtay waxaa lasoo geliyay qoraal lagu muujinayo in dib loo helay baraha Bulshada.

Qoralka ayaa u qornaa sidaan: “Guddiga Hirgelinta doorashooyinka heer federaal oo gudanayo waajibaad kiisa shaqo ayaa maanta isugu yimid shirkoodii caadiga ahaa kaas oo looga hadlay arimaha muhiimka ah ee Guddiga horyaalla.

Waxaana shir gudoominaayay Siihaya Guddoomiyaha ahna Guddoomiye xigeenka Guddiga, Mowliid Mataan”.

FEIT Weli ma dooran Guddoomiye balse waxaa si KMG ah u guddoominaya Mowliid Mataan.

Xafiiska Wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com