Guddiga doorashada Madaxweynaha Soomaaliya oo Guddoon doortay

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Cali Shacbaan Ibraahim ayaa  Guddoomiyay kulankii ugu horreeyay Guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya Doorashada Madaxwaynaha  Soomaaliya, kuwaas oo maanta iska dhex doortay Guddoomiye iyo kuxigeenkiisa.

Guddiga oo ka kooban 17 Xubnood ayaa Senator Cabdiqani Geelle Maxamed oo laga soo doortay Puntland u doortay  Xilka Guddoomiyaha Guddiga isku dhafka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Senator Cabdiqani Geelle Maxamed ayaa helay codad gaaraya 10 Cod halka Musharrixiintii la tartantay ay kala heleen Xildhibaan Maxamed Axmed beereey 5 cod iyo Senator Cabdi ismaaciil samataroo helay 2 Cod.

Sidoo kale Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa doorasho adag oo la galay waxaa Wareeg Afaraad ay Guddoomiye kuxigeenka Guddiga u doorteen Maxamed Kheyre Maxamed oo haley 9 Cod halka Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macamimuu oo la tartamay uu helay 7 Cod

Xubnaha Guddiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa laga sugayaa inay soo saaraan jadwalka doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, isla markaana ay diiwaangeliyaan Musharrixiinta Madaxweynaha, waxaana Shaqadooda ay ku egtahay marka la doorto Madaxweyne

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com