Guddi Uu Magacaabay Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Gaaray Magaalada Jowha

Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe ahna Caasimadda Maamulka Hirshabeelle ayaa waxaa Maanta gaaray Guddiga Wasiirada ah ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.

Wafdiga Guddiga Wasiirada ah oo uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha gudaha xilgaarsiinta Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Jowhar kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo xubno kale.

Guddiga ayaa waxaa uu Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble u magacaabay inay Maamulka Hirshabeelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala shaqeeyaan dajinta xiisadda iyo xal u helista khilaafka taagan oo ay qeyb ka tahay in Cali Guudlaawe tego Baladweyne.

Guddiga Wasiirada ah ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka Amniga, Wasiirka Ganacsiga iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, iyaga oo la kulmi doona Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo waxgaradka ku sugan Jowhar.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com