Guddiga doorashooyinka oo shaaciyay qabashada kuraasta gobolka Banaadir lagu dooranayo

Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT Ee Banaadir ayaa shaaciyey maanta in la qabanayo doorashada shan kursi.

Guddiga oo gudanaya waajibaadka qaran ee ka saaran hirgelinta doorashada iyo heshiisyadii hore loo gaaray ayaa soo saaray liiska shan kursi sumadooda kala tahay Hop#105,Hop#265,Hop#266,Hop#034,Hop#084.

Kuraastani waxaa ku fadhiyey Ludfi Shariif,Khaalid Macoow C/qaadir,Jeylaani Nuur Iikar,Biibi Khaliif & Fahma Axmed Nuur.

Gudoomiyaha Guddiga hirgelinta doorashooyinka SEIT Ee Banaadir Sacdiyo Aweys Cali Boolaay ayaa ku saxiixneyd warsaxaafadeedka maanta lasoo saaray iyadoo aan lasoo gudbin xilliga doorashada la qabanayo.

Dhinaca kale  Waxaa Maanta Guddiga Maamulaya doorashada Gobolada Waqooyi ee Somaliland ay bilaabeen diiwaangelinta musharrixiinta iyo Ergada dooraneysa mid kamid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ilaa 101 Ergo ah ayaa loo diiwaangeliyay kursiga hop262 oo ay hadda ku fashido Fowsiyo Xaaji Aadan oo ah sidoo kale musharrax Madaxweyne si weeyna u dhaliisha dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

 Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com