Golaha Wasiirada oo amray in ciidankii laga dejiyay Beledweyne lagu soo celiyo xeryahooda

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashooyinka dalka, amniga, gaar ahaan ciidanka la geeyay Beledweyne iyo baqdin gelinta argagixisadu ku hayaan ganacsatada Suuqa Bakaaraha .

Golaha Wasiirrada ayaa isku raacay in ciidammada la geeyay magaalada Beledweyne sida ugu dhaqsiyaha badan looga soo saaro.

Golaha Wasiirada ayaa amray in ciidankaasi lagu soo celiyo xeryahoodii, iyadoo la faray Wasiirada iyo Taliyeyaasha amniga in aan Ciidammada Qaranka loo isticmaalin laguna sumcad dilin arrimaha siyaasadda laguna koobo shaqadooda ah sugidda Amniga Dalka ,

Ra’iisul Wasaarare Rooble ayaa magacaabay Guddi Wasiirro ah Hirshabelle iyo Waxgaradka Beledweyne kala Shaqaynayaa dajinta Xiisadda iyo xal u helista Khilaafka taagan.

Xafiiska wararka Muqdisho

Info@aragticusub.com