Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo maanta kulan yeeshay ayaa ansixiyay in laga laabto go’aan uu horay u gaaray Golaha Xukuumadda Sanadkii 2017, kaas oo ururka ONLF u aqoonsaday urur agagixiso, ka dib dhiibistii Cabdikariin Muuse Qalbi dhagax oo loo gacan geliyay Itoobiye.
Shirka oo uu guddoominayay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Wasiirada intooda badan u codeeyeen qaraarkaas maanta la horkeenay Golaha Wasiirada, iyadoo Wasiirka kaliya ee diiday uu ahaa Wasiir Beyle, halka uu ka aamusay Wasiir Xamse Maxamed Xamse.
lixdii Bishii September ee Sanadkii 2017 ayaa Kulan aan caadi aheyn oo ay yeesheen Golihii Wasiirada ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre waxaa ay u aqoonsadeen ONLF inay tahay Urur Argagixiso ah, sidoo kalena sharci ka dhigtay go’aankii dhiibistii C/kariin Qalbi Dhagax oo loo gacan geliyay Itoobiya.