Golaha Wakiilada Puntland oo ka doodaya dhismaha Maxkamad Dastuuri ah

Xildhibaanada Puntland, ayaa markii u horraysay ka doodaya dhismaha Maxkamadda Dastuuriga ah, oo muhiim u ah hirgelinta Hannaanka Xisbiyada badan ee Puntland.

Fadhiga  22-aad ee Kalfadhiga 46-aad ee Golaha Wakiilada Puntland ,ayaa Maanta oo Talaado ah looga doodayaa dhammaystirka iyo ansixinta xubnaha Maxkamadda Dastuuriga ah ee Puntland, kuwaas oo ka kooban sagaal xubnood.

Dhismaha Maxkamadda,  ayaa laga rabaa in Shanta xubnood ee Maxkamadda sare oo hadda dhisan lagu kordhiyo afar Garsoore oo laga soo xulay Bulshada, si loo dhammaystiro Sagaalka xubnood, waxaana Maxkamadda Dastuuriga ah Guddoomiye u noqonaya isla Guddoomiyaha Maxkamadda Sare.

Afarta Garsoore, waxaa laba kamid ah dooranaya Golaha Wakiilada, halka labada kalena ay soo xulayaan madxada Puntland waxaana dhammaantood ansixinaya xildhibaanada  Baarlamanka,Puntland  si loo dhammaystiro Maxkamadda Dastuuriga ah.

Xafiiska Wararka Muqdisho.

Info@aragticusub.com